DHAGEYSO:Dad caraysan oo dab qabadsiiyay dhisme la sheegay in gabadh lagu dhibaateeyay

Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Dad u badan dhalinyaro iyo Haween ka careysan falkii lagula kacay gabadh lagu Magacaabi jiray Xamdi oo Dil iyo Kufsi la isugu daray ay weerareen Daartii lagu kufsaday lagana soo tuuray Xamdi Maxamed faarax, iyagoo dab qabadsiiyay qeyb kamid ah dabaqa.
Guriga ay dadkaan weeraeen ayaa ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, waxaana la sheegay inuu yahay dabaqii lagu kufsaday laguan dilay xamdi Maxamed Faarax oo 19 sano jir aheyd kana mid aheyd Ardaydii sanadkaan u fariistay Imtixaanka dowladda Soomaaliya ee Dugsiga Sare.
Qaar kamid ah Dadkii Guriga weeraray oo banaanbax ka dhigay Ilinka dabaqa ayaa waxaay dalbadeen in Cadaaladda la horkeeno dakii ka dambeeyay falka kufsiga iyo dilka ee dhibane Xamdi.
Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay arrintaan waxka qabtaan,isla markaana tallaabo sharci ah ka qaadaan dadkii falkaasi geystay oo qaarkood boolisku sheegeen in la qabtay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here