DHAGEYSO:Dad isku qoys ah oo ku dhintay Magaalada hargaysa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ee Caasimada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in Guriga soo dumay ay ku geeriyoodeen dhamaan Qoyska ka koobnaa Afar ruux oo kala ahaa Laba Caruur ah iyo Aabaha dhalay oo lagu Magacaabi jiray feysal Aadan Cabdi Diiriye iyo Hooyada dhashay Carruurta oo iyadana Magaceeda lagu Sheegay Hinda Aw Axmed sidoo kalena Xaamilo ahayd.
Meydadka Qoyska Gurigu kusoo dumay ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa,waxaana Isbitaalka tegay Mas’uuliyin ka tirsan Soomaaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Maroo-Jeex ee Soomaaliland oo magaalada Hargaysa ay ka tirsan tahay ayaa sheegay in qoyska uu Guriga kusoo dumay ay sababtay,kadib markii uu Roob Mahiigaan ah ay ka da’eey Magaalada Hargaysa.
Taliyaha Ciidanka dam-demisaka Soomaaliland ayaa sheegay in marka xilli Roobka la gaaro ay dhacdooyinkaan oo kale dhacaan oo guryo badan dumaan,waxaana dadka uu ugu baaqay inay ka fogaadaana Guryaha qadiimiga ah oo ay ku hoos nool yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here