DHAGEYSO:Dad ka mid ah kuwa Wax Tahriibiya oo lagu dillay duleedka Magaalada Hargaysa.

Inta la xaqiijiyay ilaa laba Ruux oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa geeriyootay halka laba kale ay dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay duleedka Magalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Soomaaliland.
Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in dadka dhintay oo u dhashay dalka Itoobiya ay ahaayeen tahriibayaal,hayeeshee dhacadaasi weerarka ah ay la kulmeen ayagoo maraya goob aan ka fogayn Magaalada Hargaysa.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomalailand Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in dhacdadaasi kadib ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen dadkii ka dambeeyay dilka tahriibayasaha u dhashay dalkaasi Itoobiya.
Waxa uu sheegay in raga weerarka geystay ay galeen Guri aan ka fogeen halka ay weerarka ka geysteen,isla markaana ay gurigaas kasoo qabten saddex Nin oo falkaasi ka dambeeyay,Khamri farabadan oo yaallay & Gaari ay wateen kuwa dilka gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here