DHAGEYSO:Dad loo xiray dibadbax looga soo horjeedo lunsashada lacagaha COVID19 oo ka dhacay Mombasa

Ugu yaraan lix qof ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib dibadbaxyo saaka ka dhacay bartamaha magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday lunsashada lacagaha loogu tagalayay la tacaalidda cudurka COVID19 ee dhawaan laga soo tabiyay wasaaradda caafimaadka dalka.
Goobaha ganacsiga ee Momnbasa ayaa saaka xirnaa waxaana 6-da qof gacanta lagu dhigay xilli ay booliska ka eryayeen dibadbaxayaasha.
Dadka mudaharaadka sameeyay ayaa muujinayay sida ay kaga xun yihiin eedeymo loo jeediyay wasaaradda caafimaadka oo ah in la lunsaday dhaqaale loogu talagalay wax ka qabashada COVID19
Waxay dhanka kale codsadeen in la xiro shakhsiyaadka xaday lacagaha ay dowladda iyo deeq bixiyaasha u qoondeeyeen maareeynta kiisaska Covid19.
Ciidamada booliska ayay dantu ku qasabtay in ay adeegsadaan sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kal eryaan dibadbaxayaasha oo isugu tugay saldhigga dhexe ee Mombasa waxayna codsanayeen in la sii daayo asxaabtooda la xiray.
Guddoomiyaha hay’adda xuquuqul aadanaha muslimiinta ee MUHURI Khelef Khalifa ayaa sheegay inay khalad tahay in ciidamada ammaanka ay xabsiga dhigaan shakhsiyaad adeegsanayay xuriyadooda dastuuriga ah.
Waxaa uu sheegay inay laamaha ammaanka ku wargeliyeen qorshaha ku aaddan inay maanta dibadbax sameynayaan balse tallaabada lagu kala eryay qiil looga dhigay inay aad isugu dhawaayeen dibadbaxayaasha tani oo aan waafaqsaneyn amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda coronavirus

Waxaa horay dibadbaxyo lagu dalbanaya in la soo afjaro ku takriifalka kheyraadka dadweynaha gaar ahaan dhaqaalaha loo qoondeeyay cudurka COVID19 ay ka dhaceen ismaamullada Nakuru, Kisumu iyo Nairobi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here