DHAGEYSO:Dad Xoolaleey ah iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Bakool.

Waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan dagaal Ururka Al-Shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhex-maray deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa ka dambeysay sida ay sheegeen horjoogayaasha dadka Xoolaleyda ah kadib markii Al-Shabaab ay xoog uga kaxeysteen geel farabadan taasoo keentay inay la-dagaalamaan maadaama ay dhacdooyinkaas u dulqaadan waayeen.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool,waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen 4 ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.
Ugaas Cali Dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday inay la dagaalamaan xoogga Al-Shabaabka,wuxuuna sheegay in Ciidamada Dowladda ay garab ka heleen,isla markaana ay iska difaaceen Shabaabkii doonayay inay Xoolo kale ka kaxeystaan sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay beegsanayaan dad gaar ah, kadib markii ay soo baxeen dad is abaabulay oo la magac baxay Cali Qaran ay bilaabeen inay dagaal kala hortagaan.

 

Dagaalkaan Al-Shabaab iyo dad xoolo Dhaqato ah ku dhexmaray deegaanada hoostaga degmada xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaysan weli dhankooda ka hadlin Al-Shabaab,wuxuuna ku soo aadayaa ayadoo qaybo kala oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay ka socodaan dagaalo dad shacab ah oo is abaabulay ay kala hortageen xooggaga AL-shababa.
Koox la magic Baxday macawisley ayaa deegaano ka tirsan gobolada labada shabeelle iyo Hiiraan ka wada Dagaal ay shabaab kaga soo horjeedaan kadib Markii ay iyaguna sheegeen inay u adkaysan waayeen dhibaatooyin ay Tilmaameen inay kala Kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here