Dhageyso:Dadaalo ku saabsan sidii Guriceel gole deegaan loogu dhisi lahaa oo socdo

Kulan ay soo abaabuleen dhallinyarada la shaqeeya maamulka degmada Guriceel ayaa xalay lagu qabtay gudaha degmada waxaana looga hadlayey arrinta ku saabsan sidii maamulka Galmudug looga dhaadhicin lahaa in Guriceel gole deegaan loo dhiso.
Bulshada oo isu diyaarineeysa in ay ka dhacsadaan maamulka Galmudug xuquuqda ay ku leeyihiin ayaa loo maleeynayaa inay kicinayaan dad dano gaar ah leh oo ay ka mid yihiin kuwa kuraasta loo magacaabay ku fadhiya iyo dadka ka hoos shaqeeya.
Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdulle oo ka mid ah dhallinyarada deegaanka ee aan ku qanacsaneeyn sida ay u shaqeeyaan maamulka deegaanka ee uu magacaabay madaxweyne qoor qoor ayaa sheegay in labo arin lagu baadi goobi karo xuquuqda deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here