DHAGEYSO:Dadaalo lagu joojinay dagaalo ka socda gobolka Hiiraan ayaa ka socda degmooyinka Beledweyne iyo Guriceel.

Wararka ka imanaya magaalooyinka Beledweyn iyo guriceel ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in waxgaradka goboladaasi ay isku howleen sidii ay u joojin lahaayeen maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamaya deegaano hoos taga gobolka Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka ee gobolada Hiiraan iyo galgaduud ayaa kulamo aan loo kala kicin waxay saacadihii la soo dhaafay ku yeelanayeen Beledweyne iyo Guriceel six al dhamaystiran looga gaaro dagaal beeleedka ku soo laa-laabta deegaano duleedka ka ah degmada Beledweyne.
Colaadahaan oo dhibaato ay ka soo gaadhay marar badan dadka ku nool deegaanada lagu dagaalayo iyo maleeshiyaadka iska soo horjeeda.
Odayaasha dhanka ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanadaas looga baahan yahay inay Tanaasul badan la yimaadaan hada kadibna aan la aqbali Karin dagalao Micno la aan ah oo galaafta nolosha dad fara badan.
Qaar ka mid ah odayaasha dhanka ee kulankaas ka qayb galay ayaa eedaymo u jeediyay gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee dhawaan uu madaxweynaha maamulka Hirshabeele xilka ka qaaday Balse qaadacay Xilka qaadistaas.
Yusuf Axmed Hagar Dabgeed ayay odayaasha dhanka qaarkood ku eedeeyeen inuu colaadahaas hurinayo balse wuxuu sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn dagaalkaas uuna aad uga xun yahay in dad walaalo ah oo isku deegaanka ay micno daro isku dilaan.
Yusuf dabageed ayaa Tilmamay inuusan marnaba raali ka ahayn dagaalkaas dadkaasina ay yihiin dad uu masuul u yaahy dhibkooda uusan ka shaqyanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here