DHAGEYSO:Dadka hubka Haysta ee Beledweyne ku nool oo digniin loo diray.

Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amaro dhinaca Amniga ah waxaay kasoo saareen Ammaanka Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Magaladaasi ay ka socdeen howlgallo kala duwan.
Howlgallada ayaa lagula dagaalamayay dadka isticmaala ama ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale dadka hubka sharci-darada ah ku dhex heysta Magalada Baladweyne,waxaana howlgalladii ugu dambeeyay ay saraakiisha Ciidamada sheegeen inay kusoo qabteen dad farabadan.
Taliyaha Guutada Shanaad qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Col Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa sheegay inaan marnaba Magalada Baladweyne lagu dhex wadan Karin hub sharci-darro ah.
Waxaa uu Xusay in mararka qaar ay jiraan dad dhulal isku qabsada oo hub iskula-soo baxa,isla markaana aysan ogolaan doonin arintaasi.
Dhinaca kale guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 27aad Dhame Maxamed Cabdulle Aadan ayaa sheegay in hubka ay leeyihiin qabaa’ilaadka ama Shaqsiyaadka ay ka saaraan gudaha Magalada Beledweyne ayna la aadaan baadiyaha,cidii ku dhex qaadatana ay u aqoonsanayaan kuwo nabada diidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here