DHAGEYSO:Dadka lagu arko astaamaha hergebka oo loo diiday inay raacaan feeriga Likoni

Barasaabka ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta , Cali Xassan Joho iyo guddoomiyaha guddiga qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ee dowlad deegaankaas Mr Gilbert Kitiyo ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku sheegeen in qofkii lagu arko calaamadaha hergebka aan loo ogolaan doonin inuu raaco feeriga looga kala gudbo marinka Likoni ee Mombasa.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka caabuqa Coronavirus.
Sido kale shacabka ayaa loogu baaqay inay tagaan xarunta caafimaad ee ugu dhow si baaritaano loogu sameeyo.
Hasa ahaate waxaa lagu amray inaynan isbitaalka hal mar ah wada gelin.
Isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa laga dalbaday inay sariiro gaar ah ugu tala galaan maareynta kiisaska cudurka f Covid-19 .
Qaar ka mid ah dadweynaha Mombasa ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan amarka dhanka gaadiidka lee la soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here