DHAGEYSO:Dadka qaadka cuni jiray ee Muqdisho oo noloshooada badalay kadib markii la joojiyay

Kadib markii dowlada Soomaaliya joojisay Khaadkii wadanka la gayn jiray sababo la xiriira cudurka CORONAVIRUS ayaa qaar badan oo ka mid ah dadkii awal sida aadka ah khaadka u isticmaali jiray waxay badaleen noloshooda ayagoo lacagtii ay khaadka ku bixin jireen u leexiyay meelo kale oo uga faa’ido badan.
Raga qaadka cunijiray ee ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa hada soo dhaweeyay Talaabada ay dowladu qaaday waxayna sheegeen inay badalkii qaadka Maqaayadaha Galeen oo ay cunaan Cunooyin kala duwan waliba marar badan Maalintii.
Sidoo kale dadka Maqaayadaha leh ayaa sheegay inuu Ganacsigooda sare u kacay oo ay faa’iido badan heleen markii Soomaaliya qaadka laga Joojiyay maadaama ay Muqayiliintii hada Maqaayadaha Toos ugu Xirmeen.

Dalka Soomaaliya ayaa 16 bishii waxaa lagu arkay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus waxayna dowladu joojisay qaadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here