DHAGEYSO:Dadka Qashinka Dhiga gudaha Magaalada Muqdisho oo digniin loo diray.

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay sugo Amniga Caasimadda, sidoo kale Muqdisho ay ka dhigi doonaan Magaalo bilicdeeedu ay wanaagsan tahay.
Cumar Filish oo ka hadlayay Munaasabad lagu soo dhaweeyey oo Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in Amniga uu maamulkiisa kaalinta koowaad ugu jiro uuna la-dagaalami doonaan dadka diidan Canshuurta iyo kuwa sida qaldan u isticmaala.
Waxaa uu soo hadal qaaday Arrimaha nadaafad-darrada ah ee ka jirta Magalada Muqdisho,isagoo sheegay inay jiraan Shirkado qaabilsan Nadiifinta Magalada, ooruqsado ka heysta Maamuladii ka horeeyey.
Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa Xusay inay waajibtahay bixinta Canshuurta,ilaalinta bilicda magaalada Muqdisho iyo Sugida amnigeeda ayasana ogolaan doonin cidkasta oo ku xadgudubta.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Adan ( Ibi) oo kamid ah Xubnaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya oo isna ka qeyb-galayay munaasabada soo dhaweyn ah ee muqdisho loogu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Caasimadda aysan dhismeen,Amaan noqonayn sidoo kalena hormar aysan Gaarayn hadii aan la garab istaagin maamulka gobalka banaadir.
C/raxmaan Ibi Waxaa uu sheegay in magalada Muqdisho hadii dhamaan dhinacyada kala duwan is Daacad ah uga Howlgalaan oo Garab la siiyo dadka Maamulkeeda haya ay dhinacyo badan hormar ka gaarayso.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ( Ibi) oo kamid ah Xildhibanaada golaha Shacabka ee Baarlamaaka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Siyaasiyiin iyo dad kale ay dhowr mar Madaxda dowladda ugu baaqeen inay xooga saaraan sugida amniga Magalada Muqdisho sidoo kalena maamulka Gobolka laga Codsaday inuu wax badan ka qabto Nadaafada Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here