DHAGEYSO:Dadweynaha Saala ee Wajeer oo biyo la’aan ka cabanaya

Shacabka ku nool degmada Saala ee xigta Koonfurta ismaamulka Wajeer ayaa waxaa in muddo ah haysata biyo la’aan.
Dhibaatadan ayaa saameeysay nolosha dadka iyo duunyada labaduba.
Maadaama uu dalka iyo caalamkaba cudurka Covid-19 ka jiro waxaa shacabka lagu boorinaya inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo.
Hasa ahaate dadweynaha degmada Saala ayaa sheegaya inaynan xita haysan biyo ay gacmaha ku nadiifiyaan waxayna madaxda dowladda ismaamulka Wajeer ka codsadeen inay gurmad degdeg oo dhanka biyaha ah gaarsiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here