DHAGEYSO:Dalladda SUPKEM ee waqooyi bari oo ka hadashay tirakoobka qaran

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee (SUPKEM) laantiisa gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegtay inay aad u daneynayso tirakoobka qaran ee la qorsheynayo inuu bisha soo socoto ka dhaco guud ahaan dalka.
Dr. Adan Yuunis oo ah guddoomiyaha Supkem ee Waqooyi Bari ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan marnaba diyaar u ahayn in la dhimo tirada xildhibaanada, wakiilada golayaasha hoose iyo deegaanada gobolkaasi.
Sido kale waxaa uu ka digay in la dhimo ama wax laga beddelo tirada saxda ah ee dadweynaha ku nool gobolkaasi.
Mas’uulkan ayaa dhanka kale qof waliba oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Waqooyi Bari kula taliyay in marka tirakoobka la qabanayo oo ah habeenka 25-ka bisha sideedaad ee sannadkan uu dib ugu laabto deegaankiisa.

Arrimahan ayuu Dr. Aadan Yuunis ka sheegay shir lagu qabtay magaaladatani Nairobi oo xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye uu faahfaahin kaga bixinayay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsho waqaf lacag arruurin loogu sameynayo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here