DHAGEYSO:Darawaliinta Muqdisho oo bananbax Cabasho ah dhigay

Qaar ka mid ah Darawaliinta Gawaarida Xamuulka qaada ee ka howlgala Gobolka Banaadir ayaa waxay Maanta Magaalada ka dhigeen bananbax ay kaga cabanayaan wadooyinka xirin ee Caasimada Muqdisho.
Darawaliinta Ka shaqeeya dekedda Magaalada Muqdisho ayaa Banaanbaxaan waxay ka dhigeen inta u dhexaysa isgoyska Mirinaayo iyo Xarunta degmada kaaraan waxayna sheegeen inay la’yihiin Meel ay Maraan sidoo kalena ay dhibaato weyn ku qabaan wadooyinka Xirin ee Magaalada Muqdisho.
Waxay sheegeen darawaliinta inay muddo hal toddobaad ku qaadato wadada u dhexaysa Kaaraan iyo dekedda Muqdisho ayagoo dhanka kalena bixiya Canshuur fara badan sida ay sheegeen.
Darawaliintaan ayaa waxay sidoo kale madaxda Sare ee dowlada dhexe ka codsadeen inay helaan waddo ay maraan maadaama ay yihiin muwaadiniin xaq ku leh dalkooda

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxmuud oo soo gaaray halka ay darawaliintaa dibadbaxa ka Samaynayeen ayaa sheegay inay cabashadoodu dhab tahay ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gudbinayaan madaxda sare Jawaabna ka soo saari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here