Dhageyso:Deegaan ka tirsan gobolka Mudug oo maleeshiyaad ku dagaalamay.

Warark ka imanaya deegaan lagu Magacaabo Hul-Dooyaale oo ka tirsan Bariga Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Halkaas uu Maanta Markale ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed uu isku deegaanka kuwaasoo ku Muransan Dhul daaqsimeed iyo Baraago Biyaha laga Cabo.
Waxaa soo badanaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo dhinacyada dagaalamayo ee ku aadan inay joojiyaan Colaada dhexdooda ah.
Wasiiro ka tirsan dowlada dhexe ee Soomaaliya,Masuuliyiinta Maamulka Galmudug iyo waxgaradka Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaaladamaya inay xabadda joojiyaan nabadda iyo wadajirkana ay ilaaliyaan ayagoo intaas ku daray inay waxkasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here