DHAGEYSO:Deegaanada Maamulka Galmudug oo si aad ah cudurka Covid 19 ugu baahay

Wasaaradda Caafimaadka Maamul goboleedka Soomaaliya Galmudug ayaa sheegtay in deegaannada Maamulkaas uu kusii faafayo Cudurka Covid 19,isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay gurmad deg deg ah la soo gaarto deegaanada Maamulkaas xiligaan oo ay xaalado adag oo dhanka caafimaadka ah wajahayaan.
Wasiir dowlaha caafimaadka Maamulka Galmudug Axmed Mire Cali (Faafaale) ayaa sheegay in degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ay wajaheysaa xaalad halis ah oo ku saabsan Coronavirus,isla markaana lagu arkay dad badan oo leh Cudurka COVID-19.
Waxaa uu Tilmaamay inay jiraan dad Cudurka Coronavirus ugu dhintay Magaalada Cabudwaaq halka kuwo kale ay la jiifaan isbitaalada oo dhanka kale aan lahayn qalabka loogu talagalay la tacaalida cudurkaan,waxaana uu ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya inay gurmad dhinaca Caafimaadka la soo gaarto deegaannada Maamulka Galmudug Gaar ahaan magaalooyin uu xusay inay xiligaan wajahayaan xaalado adag.

Dhanka kale Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland ayaa shaacisay natiijada dad markii hore looga shakisnaa Cudurka Covid 19 oo baaritaano lagu sameeyey Kadib qaarkood laga helay Cudurkaasi.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta iyo ka hortaga COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 80 qof cudurkana laga helay 18 ruux oo ka mid ah,kuwaasoo 15 ka mid ay Joogaan Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland halka 3 Ruux kalena ay ku sugan yihiin Magaalada Boorama dhamaantoodna ay ku jiraan xarumaha karantiil ah oo loogu tala galay dadka uu cudurku soo ritay.
Dadka Cudurka laga helay ayaa Guddiga waxaay sheegeen inay isugu jiraan 10 Rag ah iyo 8 Dumar ah,kuwaas oo da’dooda u dhaxeyso 9 jir ilaa 80 Sano jir halka ay Cudurka ka bogsadeen 6 Ruux oo dheeraad ah.
Ugu dambeyn Guddiga Soomaaliland u qaabilsan ka hortaga cudurka Safmarka ah ee Covid 19 waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 376 Ruux 54 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 Ruux ay u geeriyoodeen cudurkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here