DHAGEYSO:Deegaanada Maamulka Puntland oo laga bilaabo bari Bandow ka dhaqan galayo

Kadib kulan deg deg ahaa oo ay yeesheen Xubnaha guddiga Amniga ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka kooban Maamulada degmooyinka iyo Taliska Booliska gobolkaas ayaa waxaay ka soo saareen awaamiir Culus oo ku saabsan dhinaca Amniga & ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo Awaamiirta akhriyey ayaa sheegay in dhamaan heegan la geliyey Ciidamada ku sugan gobolka Bari iyo in dhamaan Shaqaalaha ka howlgalla Gobolka Bari ay Shaqadooda xadidaan lana Shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee howlgalada muhiimka ah ku jira.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in laga bilaabo 1-da Bisha Apriil la joojiyey Basaska ka dhex Shaqeeya Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan degmooyinka Gobolka Bari muddo 15 Cisho ah,si lagaga hortago faafitaanka Cuudrka COVID 19.
Qodobka ugu muhiimsan ee kualnaka ka soo baxay ayaa waxaa kamid ah in laga bilaabo 1-da Bisha Apriil Magalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari laga dhigey bandow Habeenkii ah oo bilaabaneysa 6:00 maqribnimo kuna eg 5:00 Subaxnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here