DHAGEYSO:Deegaanadii laga saaray Al-shabaab oo Dib u soo Hagaay

Kadib markii deegaano badan oo ka tirsan gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya laga saaray dagaalameyaasha AL-shababa oo mudo badan gacanta ku hayay ayaa waxa hada caadi ku soo noqotahay Nolosha dadka shacabka ah eek u nool meelaha shabaabku horay u maamili jireen.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo gaashanaya Saaxiibadooda Caalamka Gaar ahaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa midowga Africa e AMISIM ayaa deegaano badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka mid ah oo horay ay SHabaabku u haysteen ku guulaystay inay kala wareegeen.
Sidoo kale ciidamada maamul goboleedyada ayaa qayb ka ah howlgalada shabaaabka looga saarayo deegaanada ay dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin.
Saraakiisha Ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxaay Faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen xaaladaha nolosha ee shacabka ku nool deegaanada laga saaray Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay inay sii kordhin doonaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka iyo dego si shacabka halkaas ku nool ay u helaan nolosha caadiga ah.
Taliyaha Guud ee Ciidamada maamulka Jubbaland Aadan koojaar ayaa sheegay in Al-Shabaab lagala wareegay deegaano dhowr ah oo markii hore ay dhibaatooyin culus ay ka jireen,hayeeshee sidii ay Ciidamadu u la wareegeen deegaanadaas dhibaatooyinkii ka jiray la soo afjaray.
Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku darey in ciidamada ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland ay bilaabayaaan howlgallo kale oo deegaano badan looga saarayo Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here