DHAGEYSO:Degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe oo go’doon qarka u saran

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmooyin ka tirsan gobolka shabeelada dhexe ay wajahayaan Xaalado Go’doon ah kadib markii uu Fatahaad hor leh Sameeyay Wabisha Shabeelle ee halkaas Mara.
Degooyinka ugu daran ee hadda Wajahaya Xaaladaha Go’doonka ah ayaa waxaa ka mid ah degmada Mahadaay oo horay fatahaaduhu u Saameeyeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu Ayax Fara badan dhibaato weyn ku hayo qaar ka mid ah dhul Beereedka Deegaanada Maamulka Hirshabeelle kaasoo gabi ahaanba baab’iyay dalagyadii ay dadku beeranayeen.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya,Hay’adaha deeq-bixiyaasha ah iyo dadka deegaanadaas ka soo jeeda wuxuu ka Codsaday inay ka qayb qaataan gurmad loo fidinayo shacabka ku nool deeganada iyo degmooyinka hada Qarka u saran inay go’doomaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here