DHAGEYSO:Deni oo ka hadlay doorashada qaran ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya,Sharciga doorashooyinka ee ay Baarlamaanka ka doodayaan iyo mowqofka Puntland ee Sharcigaas.
Hogaamiyaha Puntland waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya kaga dhaci karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray inaysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in waqti badan aad loogu cel celiyey in laga gudbo nidaamka hab qaybsiga Beelaha hayeeshee doorashada Soomaaliya hadda ay ka harsan tahay muddo hal sano ah,taasina aysan aheyn wax macquul ah.
Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Sharciga doorashooyinka Qaranka aysan Puntland qeyb ka aheyn wadatashina lagala sameyn,isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo nidaam Beeleedka 4.5 loona gudbo doorasho qof iyo Cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here