DHAGEYSO:Deni oo sheegay inay xalinayaan Khilaafka dowlada iyo masuuliyiinta Jubaland.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Jubbaland.
Waxaa uu Tilmaamay inay markasta doonayaan xal u helida dhamaan Caqabadaha jira ayadoo cid kasta oo diidan wixii ka dhacay Kismaayo ha ahaato dowladda Federaalka iyo dhinacyo kaleb oo ku sugan Magaalada Kismaayo ay diyaar u yihiin inay isku soo dhaweeyaan si meesha looga Saaro kala aragti duwanaanta jirta.

 

Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanayo xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda DHEXE & Hogaanka Maamulka Jubbaland taas oo xoogeysatay, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe ee Magaalada Kismanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here