DHAGEYSO:Dhaawacyo Halis ah oo dalka Turkiga loo qaaday.

Magaalada Muqdisho waxaa wali ka socda Gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay Qaraxii shalay ka dhacay.
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweynaha ayaana sagoontiyaya qaar ka mid ah dhaawaxyada liita ee dalka gudihiisa aan waxba looga qaban Karin kuwaasoo turkiga la gaynayo.
Diyaarad Millateri oo dowladda turkiga ay u soo dirtay Soomaaliya ayaa Maanta waxaay Magaalada Muqdisho ka qaaday tiro kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye halkaasoo dad far badan ay ku waxyeeloobeen.
Diyaaraddaan oo ay la socdaan dhaqaatiir farabadan Turki sidayna daawooyin ayaa Muqdisho ka qaaday 15 kamid ah dadkii ugu darnaa ee qaraxa ku dhaawacmay,kuwaasoo ay ku jiraan maydadka laba muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Guddiga gurmadka ee uu Magacabey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaay ku sagootiyeen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Caydiid ayaa sheegay in dalka Turkiga isbitaallada ku yaalla looga diyaar garoobey dhaawacyada la geynayo,isla markaana dowladda Turkiga iyo Shacbaka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay kaalin wyen ka qaadan doonaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka warbixisay xaalada dadkii ku dhaawacmay weerarkii Shalay waxaana wali magaalada Muqdisho ka socda Gurmadka uu ka mid yahay dhiiga lagu deeqayo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbixiyay xaalada dadka dhaawacyada qaba iyo gurmad ka yimid dowladda Turkiga intaba.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inay ku mashquulsanyihiin kala soocidda dhaawacyada, si deg deg loogu qaado kuwa culus ee aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban Karin.
Waxa uu Xusay in diyaarada gurmadka ah ee soo gaartay Muqdisho ay la socdaan dhaqaatiir iyo daawooyin ay soo dirtay Turkiga, gaar ahaan dhaqaatiir gaaraysa 24 oo ka qayb qaadan doono daawaynta dhaawacyada qaraxii shalay.
Wasiirka wasaarada Amniga gudaha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa faah faahiyey sida ay u socdaan howlaha Gurmadka dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay oo qaarkood dibadda loo qaadayo.
Wasiirka Amniga oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka ee uu Magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay sidoo kale la soo xiriirtay si ay dhaawacyada qaar u qaado Marka laga reebo dalka Turkiga oo diyaaradii Koobaad ay saaka qaaday dhaawacyo aad u liita.
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle islow ayaa tacsi u diray dadka dhinta wuxuuna Caafimaad Deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Boqolaal ka mid ah dadka reer Muqdisho ayaa Saakaay Buux dhaafiyay isbitaalada Magaalada kuwaasoo baadi-goobaya eheladooda oo ay nolol iyo geeriba ku la’yihiin waxayna wali raadinayaan ehelada ka maqan sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida kulul uga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska E-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inaysan jirin Naxdin iyo tiiraanyo ka weyn in la xasuuqo dad aan waxba galabsan oo u badnaa Arday wax ka baraneysay Jaamacadaha iyo Iskuulo ku yaallo Magaalada Muqdisho,shacab raadsanayay nolol maalmeedkooda iyo shaqsiyaad kale oo ku howlanaa shaqooyinka shacabka waxtarka u leh.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ee Soomaaliland.
Qoraalka Xisbiga Wadani ayaa lagu sheegau in shacab aan waxba galabsan, arday ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah,uu qaraxaasi galaaftay Noloshooda isagoo si weyn ugu tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa.
Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh,isna u diray shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Madaxwayne Mustafe ayaa caafimaadf u rajeeyay dadka dhaawaca ah halka kuwa dhintayna uu Alle Naxariis uga baryay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here