DHAGEYSO:Dhacdo laga argagaxay oo lagu arkay Guriceel

Qadro cabdikaafi abshir waxaa ay ka mid ahayd bulshada degmada guriceel ku nool waxaa la waayey siddeed bilood ka hor, ehelka gabadha oo wax badan raadiyey gabadhooda ayaa shalay rumeeystay in la dilay qadro ka dib markii lafo jawaan ku jira laga helay duleedka magaalada
barqadii shalay waxaa duleedka waqooyi ee guriceel laga helay lafo qof bini,aadam ah oo jawaan ku jira laguna tuuray baraag gorof ah oo aan la isticmaalin

Dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada ee ku nool degmada guriceel oo ka xanuunsanaya waxa dhacay ayaa idaacadda starfm ay la hadashay waxaana axmed maxamuud guuleed kaftamaaye uu sheegay in ay la xanuunsanayaan ehelada gabadha dhibaatada loo geeystay cadaaladna looga baahan yahay in laga helo maamulka

shugri sheekh mire oo arintaan ay dareenkeeda badashay ayaa sheegeeysa in dhacdooyinka tacadiga ah ee lagula kacayo dumarka ay soo badanayaan iyagoo kala xanuun badan waxaa ay ku baaqday in qawl keliya aan looga harin sidii loo bedeli lahaa dhaqamada waxyeelada bulshada wata, iyadoo masuuliyad in ay iska saarto wasaaradda haweenka iyo xuquuqul iinsaanka galmudug ugu yeertay

sheekh cumar macalin maxamuud waxaa uu ka mid yahay culumada degmada guriceel waxaa uu inta badan xaqa U iftiimiyaa bulshada, waxaana uu sheegay in aan laga harin dadkii falkaan sameeyey si guudna qayb walbo oo bulshada ka mid ah ay kulamo iyo isu imaatin ka yeeshaan dhacdadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here