Dhageyso:Dhakhatiirta Kericho oo bannaanbax sameeyay

Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Kericho ayaa maanta dhigay bannaanbax ay ku muujinayaan sida ay kaga xunyihiin dhibaatooyin haysta.
Waxay socdaal ku tageen xafiiska barasaabka dowlad deegaankaas Paul Chepkwony.
Saraakiisha ayaa sheegaya in lagu khasbay inay saxiixaan nidaam ay dib ugu laabanayaan shaqooyinka.
Sido kale waxay xuseen inaan in muddo ah la dallacsiin.

Dhanka kale howlwadeenada caafimaad ee ismaamulka Nairobi oo ka cabanaya musharaad aan weli la siin ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin maanta billaabanaysa.
Xoghayaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa Nairobi Thuranira Kaugiria ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay tallaabada ay shaaciyeen inay ku dhaqaaqayaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here