DHAGEYSO:Dhalinayo Muqdisho ku shiray oo soo dhaweeyay Raaligalinta Madaxweynaha

Xubno ka socday ururada Dhalinyarad Soomaaliyeed oo Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kulan ku yeeshay ayaa soo dhaweeyay raaligalintii madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Waqooyiga.
Kulankaan oo ka dahcay Taalada dhagax Tuur ee Magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen inaysan jirin wax Xumaan ah oo ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed Balse waxa la isku haysto ay siyaasad Tahay ayadana xal laga gaari karo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayayna dhalinyaradaan uga Mahac Celiyay Raali Galinta uu ka bixiyay dhibaatooyinkii ay la kulmeen dadka ku nool gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa dhankiisa in Meelkasta oo ay Joogaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay Diyaar u yihiin Midaynta dalkooda iyo Hormarkiisa.

madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo todobaadkii hore soo xiray shirkii Garsoorka Soomaaliya ayaa Raaligalin iyo Cafis ka bixiyay dhibaatooyinkii ay la kulmeen SHACABKA Gobolada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here