DHAGEYSO:Dhalinyarada Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay qayb ka noqdaan doorasho qof iyo Cod ah

Dhalinyada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay inay ka qayb qaataan qorsha ah dowladda dhexe ee Soomaaliya waddo ee ku aadan in wadanka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah si ay shacabku u doortaan hogaamiyeyaasha ay doonayaan inay dalka hoggaamiyaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamad Cumar Filish ayaa isagoo Xalay ka Qaybgalayay Munaasabada lagu Xusayay Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in da’ayarta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay qabtaan hoggaanka dalka Maadaama ay yihiin inta ugu badan ee bulshada.
Guddoomiye Cumar Filisha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda hadda jirta qorshaynayso in awoodi dalka dib loogu celiyo dhalinyarada oo bulshada inta ugu badan ah sidaas darteedna taas lagu heli karo doorasho qof iyo cod ah oo dhalinyarada qayb lixaadleh ku yeelato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here