DHAGEYSO:Dhalinyarada Soomaaliyeed oo sheegay inay doonayaan doorasho cod iyo qof ah

Kulan lagu taageerayay inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay isugu yimaadeen dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho,ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed iyo dad kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Dadkii goobta ka hadlay ayaa dhamaantooda hoosta ka wada Xariiqay inay muhiim tahay dalka Soomaaliya inay ka dhacdo doorasho ay shacabku doortaan hoggaamiyeyaashooda waxayna dhamaan dhinacyada ay ka go’do go’aaminta iyo jihaynta Masiirka dalka sida Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul goboleedyada ka codsadeen inay wadanka u horseedan doorasho qof iyo cod ah sida dalalka kale ee Caalamka ka dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here