Dhageyso:Dhalinyaro Farsamada Gacanta Baratay oo Shahaadooyin la Gudoonsiiyay

Masuuliyiin dowlada Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir Ka tirsan ayaa Magaalada Muqdisho Waxay uga Qayb galeeen Munaasabad dhalinyaro Farsamada Gacanta Baratay Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay.
Gudoomiye Ku xigeenka arimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Cumar Shakaati iyo Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa goobta ka hadlay waxayna sheegeen inay ka go’antahay Hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadka danta yar.

Gudoomiyaha ururka Rajada dhalinyarada Soomaaliyeed ee SOYDA Ururka C/kariim Cumar C/kariim iyo Gudoomiyaha Ururka Midowga duulimaadka Soomaaliyeed ee Sata Cali Axmed Faarax ayaa dhankooda waxay sheegeen in dadka Soomaaliyeed Waajib ku tahay iskaalmaynta dhexdooda ah iyo Barida Xirfado ay ku shaqaystaan kuwa danta yar,dalka Soomaaliyana uu ka mid yahay meelaha aduunka ugu Hodansan balse dadkiisu aaminsan yihiin inay ku nool yihiin dhibaato aysan nolol wanaasgan ku helikarin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here