DHAGEYSO:Dhaqangalinta sharciga saxaafada Soomaaliya oo maanta la daahfuray

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay munaasabadda xarig jarka sharciga Saxaafada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii Maanta uu Madaxweynaha Soomaaliya Saxiixay Sharciga Saxaafada ay warbaahinta qaranku noqonayso mid ka dhexaysa guud ahaan bulshada Soomaaliya.
Wasiir Maareeye wuxuu sheegay inaysan warbahainta dowladdu noqondoonin mid dowladda bas u adeegta balsa ay xitaa afkaartooda iyo doodahoodu ku gudbin karaan axsaabta mucaaradka Soomaaliya.

Dhanka kale wasiir Maareeye ayaa raali Galin ka bixiyay waxkasta oo xadgudub ah oo ay la kulmeen warfidiyeenka Soomaaliyeed.

Sii haya xilka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu Sharcigaan u baahan yahay in hirgalintiisa laga wada shaqeeyo isagoo dhanka kale Xusay inuu aaminsan yahay in Saxaafadda Soomaaliya ay ka mid tahay kuwa caalamka ee haysta xoriyadda ugu wanaagsan ku hadla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here