DHAGEYSO:Dhaqdhaqaaqyo Al-shababa ka dhan ah oo ka socda gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay Ciidanka dowladda dhexe iyo kuwa Maamulka Galmudug ka wadaan dhaqdhaqaaqyo iyo howlgalo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab.
Kaddib markii shalay Tababr loo soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyadaasi Ciidan.
Howlgalkan bilowga ah ayaa noqonayaa mid AL-shabaab looga Saarayo deegaanada ay Maamulkaas kaga sugan yihiin wuxuuna Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu sheegay inay wadaan qorshe cad oo Shabaabka looga saarayo dhamaan deegaanada ay maamulkiisa kaga sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here