DHAGEYSO:Dhismaha garoonka Stadium Muqdisho oo Gabogabo maraya

Wasiirka wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan la daahfurayo Garoonka weyn ee Ciyaaraha Stadium Muqdisho si ay Bulshada ugu faa’iidaysato.
Wasiirka Khadiijo oo dib u dhiska Garoonka Kormeer ku samaysay ayaa xustay in sideeda bisha soo socota ay Muqdisho imaan doonaan wafuud ka socota Xiriirka Kubada Cagta aduunka ee FIFA oo qayb ka ah dib u howlgalinta Garoonka.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir Basma Cumar Shakeeti oo qayb ka ahayd Kormeerkaas ayaa dhankeeda Xustay in maamulka Gobolku Kaalin Weyn ka qaadan doono hormarinta Ciyaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa inay wada ciyaaraan Dhalinyarada Qurba Joogta Soomaaliya ee dalka dib ugu soo noqday iyo dhalinyarada Ciyaartoyda ah ee dalka horay ugu sugnaa.
Ciyaarahaan ayaa bilaaaban doona Maanta oo khamiis ah sagaalka Galabnimo waxaana wada Ciyaaraya Kooxda Horseed iyo Kooxda SomaliStar uk,MCC iyo Soomaaliunited waxay iyaguna isla Ciyaarayaan Tobanka Galabnimo ee isla Maanta,dharkeenleey iyo SoomaaliUnited ayaa Jimcada Bari ah Sagaal Saac isla Ciayaraya,Heegan iyo SoomaaliStar UK Waxay iyaguna Ciyaarayaan Isla Jimcada Tobanka Galabnimo,MCC iyo SoomaaliStar UK waxay Markale Ciyaarayaan talaadada Sagaal Saac oo Galabnimo, isla Talaadada Waxaa Markale Wada Ciyaaraya Heegan iyo SoomaaliUnited Tobanka Galabnimo,sidaas waxaa lagu daabacay Bogga Rasmiga ah ee Wasiir Khajiiyo Maxamed Diiriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here