DHAGEYSO:Dhismaha Maamulka Hirshabeelle oo walaac laga muujinayo

Ayadoo Maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa Khilaaf ka dhashay dhismaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle kaddib Markii Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamad Cabdi Waare uu ka soo horjeestay Jadwalka Doorashada ayaa waxaa hadda Soo baxaya eedaymo loo jeedinayo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo ku saabsan inuu faragalin ku Samaynayo arrimaha la Xiriira dhismaha Maamulka Hirshabelle.
Taliyihii hore ee Hay’dda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay inuusan Hirshabeelle ka filayn in laga dhiso Maamul wanaagsan sida uu hadalkiisa u dhigay maadaama uu dowladda dhexe ku eedeeyay inay doonayso Maamulkaas inay awood ku dhisayso xilli bulshada ku nool deegaanada Hirshabelle aan wax dib u heshiisiin ah loo Sameyn.

Taliye Sanbaloolshe Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu hadda Cabsi badan wajahayo sida uu hadalkiisa u dhigay kadib markii la saaray Cadaadis dhinacyo badan ah sida uu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here