DHAGEYSO:Dhisme Xalay ku dumay Muqdisho oo dad laga soo badbaadiyay

Dabaq qadiimi ah oo ku yaala degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya oo ay dad shacab ah daganaayeen ayaa Xalay abaara 9 kii fiidnimo ku soo dumay xiligaas oo badi dadkii daganaa ay u soo hoyaadeen.
Kooxaha gargaarka deg dega ah ee maamulka Gobolka Banadir oo Kaashanaya dadka deegaanka ayaa dhismaha dumay ka soo badbaadiyay 13 ruux oo dhaawacyo kala duwan qabay kuwaasoo la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada Ku yaala.
Haweenay da’ah oo Saacado badan la raadinayay ayay saraakiishu sheegeen inay goor danbe heleen ayadoo dhaawacyo qabta kadib markii in badan burburka hoostiisa ku jirtay.
Maamulka gobolka Banaadir,kan degma Xamar weyne iyo ciidanka booliska Degmada Xamar weyne ayaa gaaray halka uu burburka dhismahaas ka dhacay.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbahinta la wadaagay sidii uu burburka gurigaan ku bilowday iyo Qasaaraha ay og yihiin ee ka dhashay.

Gurigaan soo dumay ayaa wuxuu ka koobnaa ilaa sadex dabaq waxana laga badbaadiyay dad badan ka dib markii gurmad ay sameeyeen Kooxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay guri qadiimi ah ee ku yaalla degmada Xamar Weyne.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in illaa lix ruux dhaawac looga soo saaray dhismaha dumay, kuwaasoo mid ka mid ah uu dhaawiciisa culus yahay.
Waxa uu sheegay in dadkaasi loo qaaday, isbitaallada Muqdisho, islamarkaana halkaasi lagu dabiibaayo Xaaladooda.
Sababta ayuu ku sheegay Gudoomiye Cumar Finish in ay tahay roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’aayay Magaalada Muqdisho oo sameyn ku yeeshay degmada Xamarweyne.
Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa dhanka kale ka hadlay howlo wadooyinka lagu nadiifinayay oo maamulku uu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here