DHAGEYSO:Dhul go’o saameeyay gobolka Rift Valley oo ay ku dhinteen 4 qof

Wararka naga soo gaaraya ismaamullada Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot ayaa sheegaya in afar qof ay dhinteen halka 27 kalena la la’yahay kaddib dhul go’o halkaas laga soo tabiyay.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday xadka ay wadagaan labada dowlad deegaan ee dariska ah.
Dhul go’a ayaa yimid kaddib roobab xooggan oo da’ay kuwaasoo ay daadad ka dhasheen.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ,George Natembeya ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay in ugu yaraan 27 qof oo uu sarkaal boolis ka mid yahay aan weli meel lagu sheegi Karin.
Waxaa uu intaa ku daray inay sii wadayaasha howlgallada lagu raadinaya dadka la la’yahay

Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegtay inay isku dubaridayso howlaha samatabixinta.
Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in Dowladda ay caawinayso qoysaska barakacay.
Bishii 11-aad ee sannadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 50 qof ay ku dhinteen dhul go’o saameeyay ismaamulka galbeedka Pokot.
Mid ka mid ah shacabka ismaamulkaas ayaa dareenkeeda sidatan u muujisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here