DHAGEYSO:Dhuusamareeb oo Mashquul fara badan laga dareemayo.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa aad looga dareemayaa maqshuulkii ugu weynaa,iyadoo halkaasi ay ka socdaan howlo la xiriira dhamaystirka dhismaha Maamulka Galmudug.
Maalmihii la soo dhaafey waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaareyay,wufuud isugu jirta, Wasiiro,Xildhibaano iyo siyaasiyiin,kuwaasoo doorweyn ku yeelanaya sidii loo dhisi lahaa maamul Galmudug mideysan oo loo dhan yahay dhamaan dadka deegaanadaasna ay ku qanacsan yihiin.
Dhinaca kale waxaa Magaalada Dhuusamareeb buux dhaafiyey dad u badan dhalinyaro,kuwaasoo dhankooda doonaya inay xilal kala duwan ka qabtaan Maamulka Cusub ee Galmudug.
Warbaahinta gobolka ayaa soo sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ay Guryaha iyo Hotelada ku yaalla Magaalada qiimaha kiradoodu korortay oo ay noqdeen mid qaali ah marka loo fiiriyo sidii ay markii hore ahaan jireen.
Amaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey,waxaana lagu arkayaa Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo siweyn uga qeyb qaadanayo sugida Amniga Magaalada, iyadoo la filayo inay dhawaa halkaas ka dhacaan doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socdey kulamo ku saabsan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka weli ka jira dhismaha maamulka Galmudug maadaama madaxweynaha muda Xil-hayntiisu dhamaatay ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf wali ku adkaysanayo inaysan ku qanacsanayn qaabka uu ku socodo dhismaha maamulkaasi.
Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan Madaxweynaha Galmudug,waxayna ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Galmudug iyo Arrimaha Madaxweyne Xaaf.
Musharax Cabdi dheere oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay isla soo qaadeen arimo ay ka mid yihiin in doorashada madaxweynaha Galmudug ay noqoto mid xor iyo xalaal ah sidoo kalena musharixiinta waqti la siiyo,xalinta qalalaad dhinaca doorashooyinka ah oo jira,isla markaana ay isla qaateen in xal laga gaaro arrinta tabashada ah ee uu qabo Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaanada Cusub ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Maanta waxay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay waxayna ka arinsanayaan arimaha la xiriira doorashada madaxweynaha Maamulkaasi.
Sida uu qorshuhu yahay saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay xildhibaanada maamulka Galmudug ay ku dhawaaqaan Gudiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here