DHAGEYSO:Dibadbax ka dhacay xaafadda islii

Waxaa saaka dibad bax digay qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji gaar ahaan dhanka Section 3.
Dadkan ayaa dowladda ka dalbanaya gargaar cunno kaddib markii dhawaan dowladda ay amar ku bixisay inaan la soo geli karin sidoo kalena laga bixi karin xaafadda.
Waxay isugu soo uruureen waddoyinka xaafadda iyagoo sitay boorar ay ku qoran tahay “Waxaan rabnaa cunto”.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

Saraakiil ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da ayaa isku dayay inay kala eryaan dadkii banaanbaxa sameenayay.
Amarka lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo xaafadda islii ee Nairobi iyo sido kale Old Town oo ka tirsan Mombasa ayaa lagu dhawaaqay galinkii dambe ee Arbacadii la soo dhaafay.
Waxaa uu amarkan shaqeynaya muddo 15 cisho ah wuxuuna yimid kaddib markii labadan xaafadood laga diiwaangeliyay kiisas la xiriira caabuqa coronavirus.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay inay sidoo kale xirnaanayaan suuqyada, maqaayadaha iyo meelaha lagu cunteeyo ee ku yaal xaafadda.
Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayey ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwaha howlaha qaranka uu la kulmay hoggaamiyaasha xaafadda iyo ganacsatada isagoona meesha ka saaray cabashada ah in dowladdu ay bartilmaameedsaneyso shacabka xaafadda Islii.
Waxaa uu kaloo faray in shaqaalaha amniga ee ku sugan meelaha la dhigay barakontorollada ay oggolaadaan dhaqdhaqaaqa xamuulka iyo cuntada soo galeyso sidoo kalana ka baxeyso xaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here