DHAGEYSO:Digniin loo diray Maleeshiyaad ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

Kadib markii Maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo geystay khasaaro kala duwan ku dhex-mareen deegaan hoostaga degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan labo Maleeshiyo Beeleed oo isku deegaan ah ayaa lagu guulaystay in hehsiis kala dhex-dhigo maleeshiyaadkii dagaalamay.
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle oo kaashanaya ciidamada amaanka,waxgaradka deegaanka iyo odayaasha labada Maleeshiyo ayaa ku guulaystay inay Heshiiskaas kala dhex dhigaan.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle Geelle Isaaq Warsame ayaa sheegay in Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan heshiiska ay wada qaateen si dadka deegaanku nabad ugu wada Noolaadaan.
Waxaa uu Tilmaamay inaysan marnaba aqbalayn in dagaal dhiig uu ku daato uu ka dhaco deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cidkasta oo fulin weyda ama ka baxda heshiiskii ay wada gaareen waxgaradka Maleeshiyaadka ku dagaalamay duleedka degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Guutada 5aad ee Gobolka Hiiraan Korneyl faarax Cali Waasuge ayaa dhankiisa labada dhinacba ugu baaqay inay qaataan fulinta heshiiskii ay wada gaareen taliska Ciidanka xoogga dalkuna uu kula xisaabtami doono qofkasta oo dhankiisa khalad ku Sameeya heshiiskaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here