DHAGEYSO:Diiwaangalinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Hirshabeelle oo maanta ku eg

Waxaa Maanta ku eg DiiwaanGalinta Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle waxayna Wararku sheegayaan inay aad u yar yihiin shaqsiyaadka ilaa iyo hadda Shaaciyay hankooda ku aadan qabashada Hoggaanka Maamulkaas ugu sarreeya.
Shalay waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle ka dhacay munaasabado ay Musharaxiinta qaarkood ku shaacinayeen Musharaxnimadooda waxaana ka mid ahaa Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle ahaana shaqsiga hadda sida aadka ah loogu filayo inuu ku soo baxo Xilka ugu Sarreeya Maamulka Hirshabeelle halka ku Xigeenka Madaxweynaha Hirshabeellana loo badinayo inuu ku soo Baxo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yusuf Hagar Daba-geed.
Axadii shalay ahayd ayay soo bilaabatay diiwaangalinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle waxayna ku egtahay Isniinta Maanta ah sidoo kale Bari oo talaado ah ayaa lagu wadaa inay Xubnaha sharaxan jeediyaan Khudbadahooda halka ay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle dhici doonta Maalinka arbacada ee toddobaadkaan sida Jadwalka doorashada lagu sheegay.
Yuusuf Axmed Hagar Daba geed guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan hadana ah musharaxa u taagan Xilka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay inay qasab tahay dhismaha maamulka Labaad ee Hirshabeelle cidii diidan iyo cidii ogolba.
Wuxuuna tilmaamay inay soo dhamaatay wakhtigii la diidi lahaa dhismaha Maamulka Hirshabeelle aysana u xayirmayn rabitaanka shaqsi gaar ah maadaama dhismaha maamulku muhiimad weyn u leeyahay bulshada deegaanka ayagana ay ka go’an tahay in la dhiso Mamulka labaad ee Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here