DHAGEYSO:Diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo bilaabatay

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle laga bilaabo diiwaangelinta musharixiinta u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyo labadiisa kuxigeenka.
Shalay ayaa Xubnaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle waxaay shaaciyeen Jedwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana lagu soo koobay muddo Saddex Maalin ah in lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Waxaa jira xubno farabadan oo isku soo sharaxay Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, kuwaasoo isugu jira kuwa ku Cuusb siyaasadda iyo kuwo horay xilal u soo qabtay, waxaana xubnaha musharaxnimadooda shaaciyay kamid ah.
1: Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku xigeenkii koobaad ee hore ee Baarlamaankii Hirshabelle
2: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq oo u sharaxan Gudoomiye Ku xigeenka 1 aad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle.
3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan oo isku soo Sharaxay Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle.
Sidoo kale waxaa jira Xubno u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana jira musharaxiin la sheegayo inay garab siinayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya, kaasoo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Ammaanka Magaalada jowhar ee Xarunta gobolka shabeelada dhexe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in Maalinta Arbacadaha ah hadii aysan wax is badalin la qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamul goboleedka Hir-Shabeelle si kadib loo guda Galo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas iyo dhamaystirka dhismaha Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here