DHAGEYSO:Dil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Banaanbax ka dhashay.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe sidoo kalena ah casimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in bartamaha magaaladaasi uu dil ka geystay Askari ka tirsan ciidamada booliska ee maamulkaasi.
Dilkaan ayaa loo geystay nin Kallumaysato ahaa kadib muran soo kala dhexgalay Askariga iyo ninka la dilay kadibna sababay in rasaas lagu dhufto ninka Ganacsadaha ahaa.
Dilka kadib Askarigii ayaa la sheegay inuu goobta iskaga baxsaday Meydka ninka la dilayna waxaa goobta ay ka qaaday dadkii Suuqlayda ahaa wallow markii danbe ay halkaas gaareen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabelle.
Intaasi kadib Waxaa Magaalada Jowhar ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dilkaas waxaana dad ka caraysan Falka uu Askarigaas ku dilay ninka shacabka ay isugu soo baxeen dhamaan wadoyinka Magaalada ayadoo ay saamayn ku yeelatay isu socodka Magaalada jowhar.

 

Wararkii ugu danbeeyay eek a imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dadka Banaanbaxaya rasaas ay ku fureen ciidamada amaanku ay sababtay dhimashada qofkale oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here