DHAGEYSO:Dood ku saabsan doorashada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan ay soo qaban qaabiyeen ururka Cilmi barista iyo Hormarinta aadanaha ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Muqudisho waxaana looga doodayay qaabka ugu haboon ee dalka Soomaaliya ay kaga dhici akrto doorasho qof iyo cod ayadoo laga gudbayo Nidaamka Qabiilka ee dadka Soomaaliyeed ay Sanadaha badan wax ku soo dooranayeen.
Kulankaan waxaa ka qayb Galay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Ururada Bulshada Dhalinayara,Wakiilo kala kala socday Axsaabta Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo aqoonyahano kale.
Dhamaan Dhinacyadii ka Soo qaybgalay ayaa isla Qiray muhiimada ay leedahay dood cilmiyeedka ku saabsan doorashooyinka dalka Soomaaliya maadaama hada xili Xassasi ah la marayo waxayna markale isla qireen muhiimada in loo jahaysto qorshe looga gudbayo qabiil ku doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here