DHAGEYSO:Dowlad goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug oo daahfuray Imtixaanka dugsiga dhexe

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland mudane maxamuud sayid aadan iyo masuuliyiin kale oo katirsan wasaaradda waxbarashada jubbaland ayaa daahfuray Imtixaanaadka Fasalka 8- aad ee dugsiga dhexe.
Imtixaanka ayaa si rasmi ah uga bilowday degaanada Jubbaland ,Waxaana imtaxaanka ufariistay deganada Jubbaland oo idil 2362 arday.
Degmada guriceel ee gobolka galgaduud waxaa imtixaankan u fariisanaya in ka badan 600 oo arday kana gudbaya dugsiga dhexe.
Maamulka iskuulka alma,muun guriceel macalin sheekhoow oo la hadlay idaacada star fm ayaa sheegay in iyadoo uu saameeyn ku yeeshay waxbarashada xanuunka covid 19 haddana ay si fiican ardada uu diyaariyeen imtixaanka.
Waxaa uu dowladda soomaaliya uga mahadceliyey in markii ugu horeysay manhaj soomaali ah ay ardada soomaaliyeed imtixaaka ku gelayaan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur galbeed ayaa maanta daah furay Imtixaanka fasalka 8-aad ee gudsiyada dhexe deegaanada maamulkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixnaadka fasalka Sideedaad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fadhiisteen 26494 Arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here