DHAGEYSO:Dowlada dhexe oo soo bandhigtay qorshaheeda Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo galinkii danbe ee Arbacada gaadhay degmada Cadaado ee goboolka galgaduud Bartamaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqifka dowlada dhexe ee arimaha maamulka Galmudug.
Ra’isulwasaare Khayre oo fagaara ku yaala Magaalada Cadado kula hadlay bulshada magaaladaasi ayaa sheegay in Dowlada Fedraalka Soomaaliya ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowliga ah ee maamulka Galmudug.
Ra’isulwasaaraha oo khudbaddiisa ku sheegay inuu magaalada Cadaado u yimid sidii uu la kulmo ula qaadan lahaa waxqaradka iyo maamulka magaalada ayaa caddeeyay inay dadaalka badan dowladdu bixinayso si loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan inuu u adeego.
Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda dhexe ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug ka dhacda oo xor iyo xalaal ah taasoo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka shacabka deegaanada maamulka Galmudug ku nool,wuxuuna ugu baaqay dadka deegaanka iyo masuuliyiintoodaba inay ka shaqeeyaan hormarkooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo habeenkii sedaxaad ku hoyday deegaanada maamulka Galmudug ayaa halkaas wuxuu ku jooga socdaal shaqo waxaana inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo uu la qaadanayaa hogaamiyeyaasha maamulka Galmudug,waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee sahcabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here