DHAGEYSO:Dowlada Ingiriiska oo Soomaaliya ka taageeraysa hormarinta dhaqaalaha.

Dowlada Britain ayaa ku dhawaaqday inay dalka Soomaaliya ka taageerayso hormarinta dhaqaalaha iyo amaanka guud ee wadanka.
Wasiiru dowlaha dowlada ingiriiska u qaabilsan arimaha wadamada Africa oo shalay gaadhay Magaalada Muqdisho kulana la qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayr ayaa sheegay inay dhinacyadaas diirayada saarayaan si dowlada Soomaaliya ay uga soo kabato arimaha la xiriira dhaqaalaha iyo amaanka.
Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud ayaa sheegay in kulanka labadaan Masuul looga wada hadlay Xiriirka Soo jireenka ah eek a dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo ingiriiska sidoo kale dowlada Ingiriisku waxyaabo badan Soomaaliya ka Taageeri doonto.

 

Dhanka kale dowlada Britain ayaa Baydhabo ka hirgelisay Saldhig lagu tababarayo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa daahfurey xarun loogu talagalay inay tababar ku qaataan ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad taasioo ka kooban xafiisyo iyo goobo lagu barto liishka.
Madaxweynaha ayaa gudaha xarunta waxaa kuso dhoweeyey wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibadda dowlada Ingiriiska u qaabilsan arimaha Africa safiirka dowlada ingriiska u fadhiya Soomaaliya iyo sarakiil kale.
Soo dhoweyn ka dib madaxweynaha koofur galbeed ayaa kormeerey qeybaha ay ka koobantahay xaruntan wuxuuna bogaadiyey Sarakiisha dowlada Britain garab istagaooda ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya islamarkaana ay dowlada Soomaliyeed u heli lahayd Ciidamo tayaysan oo la wareega amniga guud ee dalka gaar ahaan deegaanada maamulka koonfur galbeed.
Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed lafta gareen ayaa madaxda ingiriiska ka socday kala hadlay kaalintooda ku aadan xoreynta gobolada koonfur galbeed wali ay shabaabku ka haysana, waxay kaloo ka wada hadleen waxka qabashada arimaha bini-aadanimada ee ka jira deegaanada koonfur galbeed.
masuuliyiinta kasocotay dowlada ingiriiska ayaa dhankooda sheegay inay wadaan qorshe lagu soo saarayo macalimiin Soomaali ah oo tababarta Ciidanka qaranka iyagoo carabka ku adkeeyen in dowlada Ingiriisku kaalin weyn ka geysan doonto xoreynta deegaanada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya, iyagoona xusay in marwaliba muhiimada kowaad ay siinayaan arrimaha bini-aadanimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here