DHAGEYSO:Dowlada Jabuuti oo ka hadashay go’aan ay gaadhay Maxkamed ku taala Ingiriiska.

Dawladda Jamhuuriyada Djibouti ayaa si rasmi ah uga hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay inay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Djibouti, oo ay qaadaysay maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda ku Taala dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006.
Maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ee Caasimada Jamhuuriyada ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.
Waxa uu xusay inay dowlada Jabuuti diyaar u tahay magdhow balse aysan marna ogolaanayn in shirkada ay dalka dhan la wareegto sida uu hadalkiisa ku sheegay oo hormarka ka hor istaagto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here