DHAGEYSO:Dowlada oo fasax qaran ka dhigtay maalinta jimcada Ciidul Adxaa owgeeda

Ismaamulka Garissa ayaa waxaa la mamnuucay in la qabto isu soo baxyo lagu oogaya salaada Ciida malinka Jimcaha isla markana la ogolyahay oo kaliya in lagu tukado masaajida iyada oo la raacayo awaamirta ay soo saartay dawladda.
Waxaa awaamirtan soo saaray Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa, Guddiga ka hor taga cudurka Covid-19 ee ismaamulka Garissa iyo hoggaamiyeyaasha diinta.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka ayaa maalinka Jimcaha, 31-da bisha Luulyo, 2020 u asteeysay maalin fasax qaran guud ahaan wadanka si loogu dabaal dago Ciidul Adhxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here