DHAGEYSO:Dowlada Qatar oo dhaqaale ku taageeraysa ciidamo loo dhisayo maamulka Galmudug.

111

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka galgaduud ku qaabilay wafdi ka socday wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Qatar.
Kulanka dhex maray wafdiga ka socda dowlada Qatar iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo looga hadlayay xoojinta taageerada dowlada Qatar ee dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale Goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya,Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka,Booliska,Asluubta iyo masuuliyiinta Ahlusuna.
Dowlada Qatar ayaa ka qayb qaadanaysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gaar ahaa xarumaha ciidanka eek u yaala Magaalada Dhuusamareeb iyo nawaaxigeed.
Talaabadaan ayaana qayb ka ahayd Barnaamijka Taakulaynta Ciidamada Qalabka Sida ee dowlada Soomaaliya.
Wafdiga ka socday Dalka Qatar iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah qaymayn ugu Sameeyay xarumaha ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb kuwasoo la doonayo in dib u dhis Balaadhan lagu Sameeyo.
Wasiiru dowlada Wasaarada Gaashaan dhiga dowlada Soomaaliy maxamed Cali Xagaa ayaa faahfaahinaya muhiimada kulankaas iyo qorsha lagu dhisayo xarumaha ciidanka ee magaalada Dhuusamareeb.

 

Intii Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ku sugnaa deegaamada maamulka Galmudug dowlada Soomaaliya ayaa ku guulaysatay qaramaynta Ciidamada Ahlusuna iyo qaar ka mid ah Maleeshiyaadkii deegaanka si qayb qayb uga noqdaan ciidamada qaranka looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoraynta deegaanada Galmudug ee ay wali ku sugan yihiin Dagaalameyaasha AL-shabaab.
Tayaynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,dhismaha xarumada ciidanka iyo qaramaynta ciidanka ayaa qayb ka ah hal-beegyada ugu waa weyn ee Tubta Amniga iyo Cadaalada oo ka mid ah qorsheyaasha ugu horeeya ee dowlada Soomaaliya ay diirada Saarayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here