DHAGEYSO:Dowlada Soomaaaliya oo sheegtay inay wajahayso Culaysyo gudaha iyo dibada ah.

264

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay heystaan caqabado uga imaanaya Caalamka,loona baahan tahay in dadka Soomaaliyeed ay dowladooda taageero muujiyo xili kasta.
Wasiir Maareeye ayaa Tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda qaarkood aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay dowladda la kulmeyso iyo culeysyada Caalamiga ah xilli ay ku mashquulsan tahay wax u qabashada dadkeeda iyo hormarinta wadanka oo dhan.
Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay gutaan waajibkooda ah inay u midoobaan danaha dalkooda,islamarkaana ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya si dadka hortaagan dowladnimada Soomaaliya looga guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here