DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo Bilowday inay soo daad gurayso Muwaadiniinteeda dibada ku xaniban

114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday inay dalka dibaddiisa ka soo daadgurayso muwaadiniinteeda in ka badan muddo bil ku xayirnaa wadamo kala duwan oo Caalamka ka mid ah.
howlaha socdaalka ee dalalka kala duwan ayaa la joojiyay Sababo la xiriira la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Fayraska Corona, iyadoo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya inay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalkani Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho iyo tan Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Safaaradaha Soomaaliya ee wadamada Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Corona kahor inta aanay soo safrin.
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso ee Sanadkaan 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Covid19 oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here