DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo bixinaysa Mushaaraadka ciidamada la wareegay amniga Dhuusamareeb.

138

Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa si Rasmi ah ula wareegay amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud sidoo kalena ah Caasimada maamulka Galmudug.
Ciidamadaan ayaa isku jira ciidamadii hore ee Nabad sugida iyo booliska Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamadii Ahlusuna ee dhawaan la qarameeyay laguna wareejiyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Ciidamadana ayaa ah kuwa hada kadib Si toos ah kaga amar qaadanaya hogaanka ciidanka booliska iyo Nabad Sugida Dowlada Fedraalka Soomaaliya waxayna ka shaqaynayaan Xasilinta Amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda oo mudo Sanado ah kadib laga wareejiyay maamulkii Ahlusuna ee gobolada dhexe.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre,Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuuakr Islow Ducaale iyo wasiiru dowleyaasha wasaarada amaniga,Difaaca,howlaha Guud iyo Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa kormeer ku sameeyay goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyagoona ku dhiiragaliyay gudashada waajibaadkooda.
Ra’isulwasaare Khayre ayaa sheegay in ciidamadaan lagu Wareejiyay amniga Dhuusamareeb ay yihiin Ciidamo si Toos ah u hoos taga dowlada dhexe ee Soomaaliya,mushaaraadkooda iyo dhamaan xaquuqahoodana ay heli doonaan.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inay Magaalada dhuusmaareeb ka dhici doonaan kulamo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka maamulka Galmudug sidaas darteedna loo baahan yahay ciidamo dowlad Fedraalka Soomaaliya ay Maamusho oo Magaalada amnigeeda Suga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here